Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in Magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan howlgallo amaanka lagu xaqiijin doono.
Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in Xaalad deg deg ah lagu soo rogay Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Booliska ay bilaabi doonaan howlgallo guri guri ah, kaasi oo u jeedkiisu yahay sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Yariisow ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya inta uu socdo howlgalka.