Muqdisho-KNN-Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay kulanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa uuna sheegay in wixii ka dhacay Golaha Shacabka aysan dhici laheyn hadii Xildhibaanada Maalintii Jimcaha aheyd ay ka qeyb geli lahaayeen tartankii Orodka gaaban ee lagu qabtay Muqdisho.
Gudddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dalka looga baahan yahay xasilooni siyaasadeed, islamarkaana siyaasiyinta laga doonayo inay ogaadaan in Amniga dalka uu yahay kaalinta koobaad, isagoona sheegay in dalka ay joogaan waxa uu ku tilmaamay qaswadayaal.
Sidoo kale Gudddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa waxaa xusay in Siyaasiyiinta uu kala Shaqeyn doono sidii loo heli lahaa xasilooni Siyaasadeed si amniga dalka uu u hagaago.
Halkan ka dhageyso.