Somali News

Guddoomiyihii Afgooye oo xilkii laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Afgooye-KNN-Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xilkii looga qaaday gudoomiyihii degmada Afgooge gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Cumar Qaasim.

 Ibraahim ayaa la sheegay in mudooyinkii dambe uu khilaaf xoog leh kala dhaxeeyay gudoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Najax.

Sidoo kale isla wareegtadan waxaa guddoomiyaha degmada Afgooye loogu magacaabay Aweys Cabdullahi Cumar, waxaana la faray  qeybaha kale ee maamulka iyo bulshada reer Afgooye inay isaga la shaqeeyaan hadda kadib.