Somali News

Guddoomiyihii degmada Hodan oo xalay lagu dilay Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Ciise Dhagajuun, kadib markii shalay uu ka soo laabtay safar caafimaad oo ugu maqnaa dalka Turkiga

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyha degmada Hodan ay dileen askar ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo bartooda facebook ku soo qoray geerida Dhagajuun.

Guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun ayaa lagu dilay isgoyska Jid Mareexaan ee degmada Howlwadaag.

Cabdixakiin Dhagajuun ayaa bishii Noofember ee sanadkii hore ku dhaawacmay qarax miino.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya