Somali News

Guddoomiyihii Gedo oo xilka laga qaaday iyo mid kala oo la magacaabay

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa waxaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow, isagoona magacaabay guddoomiye cusub, inkastoo ay xusid mudan tahay in wasiir ku xigeenka uu la shaqeeyo DFS.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Gedo ayaa loo Magacaabay Axmed Buulle Gareed.

Sababta ka dambeysay xil ka qaadista lagu sheegay, kadib markii uu gudan waayay Shaqadiisa, waxaana sidan lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland

Macallimuu oo xilkan hayey wixii ka dambeeyey, tan iyo markii ciidamada dowladda la geeyey gobolkaasi