Uncategorized

Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday

Beladweyn-KNN-Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa laga qaaday xilkii gudoomiyihii gobolka kadib wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Guddoomiyaha gobolka ayaa loo magacaabay Cabdulaahi Axmed Maalim, xilka qaadistaas lagu sheegay in baahi loo qabo isbadal lagu sameeyo maamulka gobolka.

Halkan ka akhriso wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Waare.