Somali News

Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Galmudug oo ka horyimid xilka qaadis lagu sameeyay

Gaalkacyo-KNN-Cabdi rashiid Cartan Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu ka horyimid xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne Xaaf.

Guddoomiye Cartan  ayaa sheegay in uu ka maqan yahay gobolka, islamarkaana aan laga qaadi karin xilkaasi.

Waxaa uu sheegay in Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee Gobolka Mudug uu la sameeyay wadatashi sidaas daraadeedna aan xilligaan jirin wax xilka qaadis ah.

Sidoo kale Guddoomiye Cartan ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug, waxaa uuna sheegay in Maamulka  Galmudug aysan xiriirka u jari Karin Dowladda Dhexe, maadaama Galmudug ay tahay Xubin ka mid ah dowladda.

Guddoomiye  Cartan ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay xaalada  xiligan ka jirta Gobolka Mudug, isagoona sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan Gobalkaasi.