Somali News

Guddoomiyihii Gobolka Nugaal ee oo lagu aasay duleedka Garoowe

Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cabdisalaan Xasan Xirsi oo xalay u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin aha oo lagula eegtay Bartmaha  magaalada Garoowe, ayaa maanta lagu  aasay duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe.

Aaskaan ayaa waxaa kasoo qeeb galay madax kala duwan oo katirsan maamulka puntland oo ugu horeeyo Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, Madaxweynayashii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, iyo  Abdiweli Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyin kala duwan

Afhayeenka ahna gaasimaha warfaafinta madaxtooyada puntland  Jamac dabraani  ayaa lahadlay warbaahinta aaska kadib

Xaalada amni ee garoowe ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana meelaha qaar lagu arkayaa ciidamada amniga Puntland