Somali News

Guddoomiyihii Gudigga doorashooyinka Somaliland oo is casilay

Guddoomiyihii gudigga Doorashooyinka Soomalilan Cabdirashiid Riyo Raac ,ayaa iska casilay xilkaasi iyo xubinimadii gudigga Doorashooyinka Soomaaliland sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Ilo-xogogaal ah.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii khilaaf soo kala dhex-galay xubnaha guddida Doorashooyinka Somaliland.

Riyo-raac, oo markii hore mucaaradku ka biyo diideen magacaabistiisa ayaa qabtay Doorashadii Wakiillada iyo deegaanka oo uu ammaan badan ku helay.

Hore xubno kale oo guddida doorashooyiinka ka tirsan ayaa xilka iska casilay.