Somali News

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo geeriyoodey

Garoowe-KNN-Cabdirishiid Maxamed Xirsi oo mar Guddoomiye Baarlamaan ka soo noqday maamulka Puntland ayaa Sabtida maanta ah ku geeriyooday magaalada Garowe ee xrunta maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee Cabdirashiid ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland soo noqday intii u dhaxeysay Sanadihii 2009kii ilaa 2013kii.

Sidoo kale intii u dhexeysay sanadihii 2014kii iyo 2018kii ayuu Puntland Wasiir uga ahaan jiray wasaaradaha Howlaha guud iyo Kulluumeysiga.

Marxuum Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun ku soo booday mudo aan dheerayn, maanta ayaana lagu aasayaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.