Somali News

Guddoomiyihii hore ee Bulshada Rayidka oo ku geeriyooday Muqdisho

Alle ha Unaxariistee waxaa Magaalada muqdisho ku geeriyooday sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelkiisa, Prof Cabdullahi Maxamed Shirwac oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku xanuunsanaa.

Guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa maanta la filayay in loo qaado Cafimaad dalka dibaddiisa ah sida qorshuhu ahaa, waxaase la xaqiijiyay inuu geeriyooday habiin barkii xalay.

Cabdullaahi Maxamed Shirac waxa uu ahaa guddoomiyihii gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay 2017-kii isgooska Zoobe ee Muqdisho, sidoo kale waxa uu muddo ka shaqeenayay arrimaha nabadeynta Soomaaliya.

Waxaa lagu xasuustaa sida ay sheegeen dadkii aqoonta u lahaa Cabdullaahi Maxamed Shirwac in uu ahaa Samafale madaale ah aadna ujeclaa sidii uu dalkiisa wax ugu gaban lahaa.