Somali News

Guddoomiyihii Maxkamada Gobalka Shabeellada hoose oo xalay lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN- Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay degmada Wadajir ku dileen Saciid Cumar Xasan oo ku magac dheeraa Subeyr, kaasi oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Shabeellada Hoose.

Dilka marxuumka  ayaa la sheegay in loo adeegsaday Mindi ama (Toorey), waxaana weeraray labo dhalin yaro ah oo mindiyo ku hubeysan, waxaana la tilmaamay in gudoomiyaha uu isna watay Bastoolad.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa KNN u sheegay in gudoomiyaha uu dhaawac u geystay mid kamid ah labadii ruux ee weerartay, waxaana gudoomiyaha iyo ninkii uu toogtay ay u geeriyoodeen dhaawac soo gaaray.

Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.