Uncategorized

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo ka soo hor jeestay Xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Muqdisho-KNN-Ibraahim Iidle Suleymaan Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da Laanta afka Soomaaliga ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoomiyihi Xilka laga qaaday ayaa sheegay in Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, garsoorkana uu ka madax banaan yahay laamaha kale ee dowladda, isaga oo sidoo kale sheegay in xilka qaadistiisa aanan loo marin sifo sharci ah, sidaasi darteedna uu wadan doono shaqadiisa, sida uu hadalka u dhigay Ibraahim Iidle Suleymaan.

“Anigoo qadarinaya Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderalka ah, waxaan halkan ka caddeynayaa in xilka qaadisteyda aan looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadan doonaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fariisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaarto 65 sano iyo Arimo kale,” Ayuu yiri Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Ibraahim Iidle Suleymaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay xilkii ka qaaday Guddoomiyahii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan kadib Cabasho badan uu sheegay inuu kala kulmay Shacabka u Cadaalad doonta Garsoorka Dalka, Madaxweynaha ayaa Xilkaasi u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed.