Muqdisho-KNN-War-saxaafadeed kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay afar xeer oo ay dhawaan ansixiyeen xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Qoraalka Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in xeerarkaas aanay guddiga doorashada u isticmaali karin doorashada qaranka ilaa inta laga saxayo.
Guddoonka Aqalka Sare ayaa soo jeediyay in sharciga metelaadda gobolka Banaadir uu u baahanyahay harbaac dastuuri ah oo dhameystiran.
Horay golaha Aqalka Sare ayaa uga soo horjeestay xeerarkan intii ay ka doodayeen golaha shacabka, kuwaas oo si isdaba joog ah ay u ansixiyeen, Aqalka Sare ayaana ku dooday in xeerarkaas lagu sameeyay waxkabaddal aan sharciga waafaqsanayn.
Qoraalkii horay uga soo baxay Aqalka Sare waxaa lagu sheegay in xeerarkaas aysan aheyn kuwii ay soo diyaariyeen guddiga isku dhafka ah ee ka socday laba Aqal, kuwaas oo loo xil saaray inay soo dhameytiraan afartaas xeer oo ka dhimanaa sharciga doorashooyinka Qaranka.
Afarta Xeer ee ay ansixiyeen golaha shacabka, isla markaana uu kasoo hor jeestay Aqalka Sare ayaa kala ah. Xeerka metelaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, xeerka deegaameynta kuraasta, Xeerka doorashada kueaasta gobollada waqooyi iyo xeerka qoondada haweenka.