Uncategorized

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada

Muqdisho-KNN-Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay Magacyada xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada ee guddoomiyaha golaha Shacabka.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaya xubnahaan la magacaabay  oo ka kooban 15 xubnood, waxaana dood ka dib la filayaa in xildhibaannada golaha shacabka ay meelmariyaan.

Kursigaan oo hadda ay sheegeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya in ay u taagan yihiin qabashadiisa ayaa waxaa iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas oo iscasilaadiisa ay ka dambeysay khilaaf muddo soo jiitamayay.

Hadii xubnahaan la meel mariyo waxaa Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya lagu wadaa in lagu soo doorto muddo 15 maalmood gudaheed ah oo ka soo bilaabaneysa markii uu iscasilay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka mr. Jawaari.