Somali News

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulmay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha  Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay  kal-fadhiga Baarlamaanka ee loo balansan-yahay May 04,2022 in uu noqon doono mid wadajir ah, waxaana  looga hadli doonaa arrimaha doorashada madaxweynaha dalka iyo miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2022-ka.

Kadib kulanka, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u ugu mahadceliyay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur soodhaweynta aadka u sareysa uu u sameeyay, waxaana uu balan qaaday inay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan haduu rabi idmo.