Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Dalka Cabdi xaashi cabdullaahi Guddoomiye, Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Aqalka Sare iyo sidoo kale xubnaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka ee baarlamaanka ayaa kulanka goob jog ka ahaa.
Warbixin ku saabsan dib u eegista dastuurka dalka iyo habraacii lagu ansixin lahaa ayay Xubnaha Guddiga u soo gudbiyeen guddoonka baarlamaanka.
Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah xubnaha Guddiga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in waxyaabaha kulanka looga hadlay ay ka mid ahaayeen labada golaha gole ee baarlamaanka in ay yeeshaan kulamo wadajir ah.