Uncategorized

Gudi Baarayaal ah oo ay dirtay Dowladda Soomaaliya maanta gaaray deegaanka Bariire ee gobalka Sh/Hoose.

Bariire-KNN-Gudi Baarayaal ah oo katirsan Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ay ka soo jeedaan dadkii lagu dilay deegaanka Bariire ee gobalka shabeelaha Hoose ayaa maanta gaaray deegaankaasi.

Gudigaan ayaa ka kooban Saraakiil Qubaro ah oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Kuwa Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya waxaana ku wehliya socdaalkooda Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda maamulka Gobalka C/fataax Xaaji C/lle sidoo kalane ah ku simaha gudoomiyaha mas’uuliyiin kale oo ka tirsan gobalka iyo qaar ka mid ah odayaasha, waxayna kulamo mudo socday ay la qaateen dad kala duwan oo deegaanka ku sugnaa markii uu weerarka dhacayay aroortii hore ee maalintii jimcaha 25-kii Bishaan.

Baarayaashaan ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ee maanta gaaray Bariire ayaa la kulmay Maamulka Deegaankaasi , Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ka howlgalayay Bariire iyo hada oo la sheegay in kulamadii ugu danbeeyay kula jiraan qaar ka mid ah dadka deegaanka.

C/fataax Xaaji C/lle Ku simaha Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose iyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga ee Gobalka ayaa KNN u sheegay in aysan Baarayaasha maanta tagay Bariire ku jirin Gudigii ay magacaawday Dowladda Soomaaliya Balse kaliya ay ka kooban yihiin Saraakiil aqoon durugsan u leh baaritaanka dhacdooyinka nuucaan oo kale ah baaritaankooda kadibna ay warbixin siin doonaan Gudiga ay Dowladda u magacaawday in ay warbixin ka keenaan weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire.