Muqdisho-KNN-Gudiga difaaca Golaha Shacabka ayaa sheegay Qaraxyada iyo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho ay wax ka weydiin doonaan laamaha amaanka ee arintaan ay quseyso sababta ka dambeya in dagaalamayaasha AL-shabaab ay ka geystaan Caasimada Soomaaliya weeraro iyo dilal qorsheysan ee soo noq noqda.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Gudoomiyaha Gudiga difaaca Golaha Shacabka oo la hadlay KNN ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay weerarkii khasaaraha dhaliyay ee shalay galab ka dhacay afaafka hore ee Hotel Weheliye ee magaalada Muqdisho, wuxa uuna sidoo kale tilmaamay in laamaha amaan dhaxdooda ay ka jirto habacsanaan dhanka amniga ah, wuxuuna hoosta ka hariiqay in nidaamka sugida amniga Muqdisho ay wax badan ay ka qaldan yihiin, balse wax leyska weediin doono amni daradda ka jirta magaalada Muqdisho.
” xildhibaanada qaar iyo Masuuliyiinta Dowladda waxa ay ku mashquuleen howlaha Mooshinka, iyaga oo hakiyay shaqooyinkii waajibka ahaa, midaas looma baahna, anaga waan la kulanay laamaha amniga waxna waa laga weydiiyay dhacdooyinkii amniga la xiriiray ee dhowaanahan dhacay” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Gudoomiyaha Gudiga difaaca Golaha Shacabka
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sidoo kale sheegay in uu saameyn uu ku yeelan doonin howlaha Golaha shacabka weerarada iyo dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Shalay ayey aheed markii weerar ismiidaamin ah oo mas`uuliyadiisa ay sheegteen Al-shabaab uu ka dhacay afaafka hore ee Hotel Weheliye ee magaalada muqdisho, weerarkaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 ruux oo rayid ah sidoo kalana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kalane.