Uncategorized

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Guddiyadda Difaaca iyo Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Galabta Muqdisho kulan Su’aalo weeydiin ah wax ay kula yeesheen Wasiirka Gaashaandhigga iyo sidoo kale Saraakiil ka tirsan Xooga Dalka.

Kulanka ayaa waxa ay gudiga su’aalo ku weeydiyeen wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumada waxaana ay weeydiiyeen xaaladihi u danbeeyeen ee la xeriira dhaq dhaqaaqyada ciidanka xooga ay kawadaan qeybo kamid ah Dalka.

Gudoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in kulankii Galabta ay Su’aalo ku weeydiiyeen Wasiirka Gaashaandhigga taliyayaasha Ciidamada iyo Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka kadib markii uu cudur daartay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Xuseen Carab Ciise  Waxa uu sheegay in ay Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyayaashii kale ay wax ka weeydiiyeen qabdhismeedka Ciidamada. Howlgallada, Tirada ciidamada Mushaaraadkooda Hantida ay leeyihiin Ciidamada iyo sidoo kale Ciidamada Ajnabiga ah ee ka howlgalla dalka.