Uncategorized

Gudiga Difaaca Puntland oo war ka soo saaraya Xaalada deegaanka Tukeraq

Garoowe-KNN-Wararka ay KNN ka helayso xarunta Madaxtooyada  ee Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in kulan deg deg ah uu haatan halkaasi ugu soconayo Gudiga difaaca ee maaamulkaasi.

Guddigaan ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda shir jaraa’id ku qabtaan magaalada Garowe iyagoo saxaafada isugu yeeray.

Waxaana la sheegay in gudigga ay warbixin ku saabsan xaalada dagaalka Tukaraq iyo go’aanadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen iyo arimo kale ay kahadli doonaan.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa  guddiga difaaca waxaa ay  joojiyeen  in shidaal loo gudbiyo dhinaca Soomaaliland, waxaa kale oo ay joojiyeen isku socodka shacabka deegaanka ay colaadu ka taagan tahay ee Tukeraq ee gobalka Sool

Deegaankaan ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland.