Hargeysa-KNN-Wararka laga helayo guddiga Komishanka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in la filayo in maanta ay guddiga Komishanku ku dhawaaqaan natiijada dadkii iska diwaangaliyay gobolada Soomaaliland,isla markaana qaatay kaararkii cod-bixiyayaasha.
Guddiga Komishanka Soomaaliland ayaa la lagu wadaa in ay kulan la qaataan hogaanka xisbiyada,ee ka jira deegaanada Soomaaliland,isla markaana ay ku dhawaaqaan natiijada dadka qaatay kaararkaasi ee codaynaya doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda ku soo haysa lana filayo in ay dhacdo 13 Nov.2017-ka.
Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ee Doorashada Soomaliland ayaa waxaa laga dareemayaa Deegaanada Soomaaliland,iyadoona Axsaabta Siyaasadeed ee ka jira deegaanadaas ay bilaabeen ololahooda ku aadan musharaxnimo oo ku soo bandhigayaan Waxqabadkooda ku aadan Hadii loo doorto Hogaanka Sare ee Soomaaliland.
Shalay ayay aheyd markii Gudiga komishinka Soomaaliland ay xarunta guddiga Komishanka ay soo wada gaadheen qalabkii lagu galayay doorashada madaxtooyada Somaliland.
Beesha Caalamka ayaa isha ku heyso Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Deegaanada Soomaaliland,Maadaama Murashaxiinta qaar ay hadalo Xanafleh mudooyinkii dambe ay isku adeegsanayeen Warbaahinta.