Uncategorized

Gudiga ganacsatada Gobolka Banaadir oo cabasho u gudbiyay Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka.

Muqdisho-KNN- Gudiga Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay  cabasho ka dhan ah Wasaaradda Maaliyaddau gudbiyeen  Guddoonka Labada Gole  ee Baarlamaanka Soomaaliya.

ganacsadata ayaa warqad ay u soo qoreen Gudoonka labada gole ee Baarlamaanka  waxaa lagu sheegay in aysan diidaneyn bixinta canshuurta balse ay diidan yihiin canshuur kordhinta xaddhaafka iyo sidoo kale canshuur aan si siman dalka oo dhan looga qaadin.

 

Ganacsatada ayaa ka codsaday Guddoonka Baarlamaanka inay wax ka qabtaan arrintan, iyagoo la wadaagay qoraal ku aadan xaqiiqada canshuurta xad-dhaafka ee lagu soo rogay Ganacsatada.