Uncategorized

Gudiga gurmadka Qaran oo Faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ey kusoo arkeen Gobolka Gedo.

Guddiga Gurmadka Qaranka ee fatahaadaha oo shalay gaaray magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka jirto saameyn adag oo ka dhalatay fatahaada Wabiga Jubba ayaa faafaahin ay ka bixiyay wixii ay ku soo arkeen  goobihii ay booqdeen.

Guddoomiyaha Hayadda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ahaa xubnihii shalay booqday dadka ay saameeyeen fahaada Wabiga Jubba ee gobolka Gedo islamarkaana la daala dhacaya marxalado adag oo soo wajahay dadkaasi.

Sheekh Bashiir oo la hadlay Kulmiye ayaa sheegay in gabi ahaanba ey biyuhu burburiyeen waxyaabihii asaasiga nolosha u ahaa ee dhamaan deegaanaddii ey fatahaaddu ka dhacday.

Reysulwasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa hogaaminayay wafdigii booqday gobolka Gedo, waxa eyna guddigaa ey balanqaadeen in ey si dag dag ah uga jawaabi doonaan xaaladda adage ee ka taagan Gobolka Gedo gaar ahaan dhulka uu wabigu qarqiyay.