Somali News

Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare oo kulan ku yeelanaya Muqdisho

Muqdisho-KNN-Maanta ayaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan maagaalada Muqdisho guddiga joogtada ah ee Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka soomaaliya sida uu qorshuhu yahay inkastoo aanan la ogeyn waxyaabaha ay ka hadlayaan.

Dhawaan kulan ay yeesheen ayay ku sheegeen in ay  xiriirka wada shaqeyneyd ay u jareen Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kaddib markii dhoor qodob ay ku eedeeyeen taasina ay keentay inay hakiyaan wada shaqeynta.

Madaxweyne Farmaajo ayay sidoo kale ka dalbadeen Golaha aqalka sare inuu wax ka qabto eeddeentii ay u jeediyeen Golaha shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Golaha aqalka sare ay ka hadli rabaan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka si ay u caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan.