Uncategorized

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo sameeyay wejiga labaad diiwaan gelinta Xisbiyada Siyaasada

Muqdisho-KNN-Munaasabad ay soo qaban qaabisay guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, ujeedka munaasabada ayaa aheed diiwaan gelinta Xisbiyo cusub oo ku soo biiray Xisbiya dalka ka jira.

Xisbiya maanta la diiwaan geliyay ayaa gaarayay ilaa iyo sedax Xisbi oo kala ah.

1-Xisbiga Nabada iyo Horomarina.

2-Xisbiga Wadajir.

3-Xisbiga Tiir.

Xisbiyadaan ayaa markii la diiwaan geliyay kadib la gudoon siiyay shahaadooyin.

Horay waxaa shahaadada xisbiga loo guddoonsiiyay 7 Xisbi oo kala ah: Xisbiga Garsoor,  Xisbiga Midnimada,  Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda,  Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga, Xisbiga Umadda Soomaaliyeed,  Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed  iyo Xisbiga Horumarinta

Sharuucyada looga baahan yahay Xisbiga isdiiwaan gelinaya ayaa ah:-

Diiwaan-gelintan waa mid KMG ah waxaa ururka laga qaadayaa magaca xisbiga, calaamad cusub, qodob ka soo baxay kulan la qabtay, dastuurka ururka iyo $500 ama 10 milyan oo shilin Soomaali.

Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka Xaliimo Ibraahim Ismaaciil Xaliimo Yareey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay horay udiiwaangeliyeen 7 Xisbi,  maantane ay is diiwaan geliyeen seddex Xisbi oo kale ayna u dhimanyihiin diiwaan gelita 15 Xisbi oo kale.

Diiwaan gelinta Xisbiya ayaa Xaliimo yarey waxay ku sheegtay  u bislaanshaha doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka loo diyaarinayo marka la gaaro 2020-ka.