Somali News

Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo dooranaya gudooomiye .

Muqdisho-KNN-Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Gudigaan oo uu magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ahna sii hahaha Gudigga Maxamed Ibraahin Bare ayaa gaarayo ilaa Shan (5) Qof, Waxaan ujeedkoodu yahay Qaban qaabada doorashada guddoomiyaha.

Xubnaha uu magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaana kala ah,
1 Bashiir Ahmed Yuusuf
2 Axmed aweeys Maxamed
3 Cadnaan Aadan Maxamed.
4 Saaqo Aadan Maxamed
5 Ayaan Cabdiraxmaan Maxamed
Waxaana Gudoomiyaha Guddiga uu faray in ay shaqadooda si hufan ugutaan.

Dhawaan aya ahayd markii guddiga loo xil saaray qaban qaabada doorashada guddiga FEIT ayaa shaaciyay xilliga ay dhacayso doorashada guddoomiyaha guddiga hergalinta doorashooyinka heer Fadaraal,