Uncategorized

Gudigii loo xil saaray in ay soo baaraan weerarkii ka dhacay Bariire oo la kulmay Odayaasha dhaqanka ee dadkii la dilay.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo ay ka soo jeedaan dadkii lagu dilay deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa shalay kulankii ugu horeeyay la qaatay Gudigii ay Dowlada Soomaaliya u Xil saartay in ay soo baaraan dhibkii ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Gdiga ayaa odayaasha waxa ay is dhaafsadeen Warbixino Ku saabsan dhibkii meesha ka dhacay sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii ay baaritaanka Odayaasha ugu qeyb qaadan la haayeen loona tagi lahaa Bariire.

Mid ah Odayaashii ay Gudiga la kulmeen ayaa Radio Kulmiye u sheegay in ay Ku balameyn Booqasho maanta lagu tago goobtii ay dhibaatada ka dhacday ee Shabeelaha Hoose.

Gudiga ayaa wartigii la siiyay waxaa ka dhiman labo maalin oo kaliya waxaana laga sugayaa warbixin oo ka hadleysa dadkii la dilay iyo sida loo dilay.