Somali News

Gudiyada dib u eegista dastuurka Baarlamaanka iyo kan Madaxa banaan ee xuduudaha oo shir ku yeeshay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Kulan ay isugu yimaadeen magaalda muqdisho gudiga dib u eegista dasrtuurka u qaabilsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo gudiga madaxa banaan ee xaduudaha dalka ayay kaga hadleen caqabadaha badan ee ka taagan xuduudaha  iyo sida loogu cadeyn lahaa dastuurka haatan la qabya tirayo.

Sidoo kale kulanka inta uu socday ayaa la sheegay in xaduudaha maamul gobaleedyada dalka ka jira dhaxeeya iyaguna  la cadeeyo, si uusan u imaan muran arimahaaasi la xariira.

Khaliif Cabdi kariim Maxamed oo ah gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee xaduudaha waxaa uu sheegay in loo baahanyahay xadka aan la wadaagno dowladaha dariska la ah soomaaliya muranka badan ee ka yimaada mararka qaar xalkiisa in la gaaro.

Waxa uuna intaa ku daray hadalkiisa in dhawaan la sameynayo  soodimo kala xadeeya maamul gobaleedyada dalka ka jira si uusan u imaan khilaaf.

Gudoomiayaha gudiga dib u eegista dastuurka u qabilsan Baarlamaanka soomaaliya senator Cabdi Xasan cawaale Qeyb diid ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in la helo qorsho cad oo ku saabsan xuduudaha dalka,kaasi oo ku lifaaqan dastuurka.