Muqdisho-KNN-Munaasabad xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa lagu abaal-mariyay gudoomiyii hore ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa loogu tala galay in lagu soo bandhigo duqii ugu wanaagsanay ee sanadkii tagay,iyadoona loo doortay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.
Waxaa munaasabaddan lagu soo bandhigay daraasad soo socotay illaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii, oo laga soo sameeyay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, taas oo dadweynaha lagu weydiinayay qiimeyntooda dadka ay u arkaan inay guteen waajibaadkii ka saarnaa mas’uuliyaddii ay hayeen.
Abaal-marintan oo magaceeda la yiraahdo “Xil-gudasho Qaran” ayaa waxaa sanadkii tagay ku guuleystay Taabid Cabdi Maxamed Gudoomihii hore ee Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.
Abaal marintan ayaa waxaa bixisa Hay’adda Vision Leadership Academy oo ah Machadka horumariya arrimaha hoggaaminta.