Muqdisho-KNN-Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay KNN ayaa sheegay in xildhibaanadii maanta kulanka ku yeeshay Magaalada Dhuusa Mareeb ay yihiin kuwo aan sharciyad ku imaan,isagoona sheegay in Xildhibaanadaasi uusan gabi ahaanba aqoonsaneen.
Mooshinka laga gudbiyey Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalmo ka hor uu ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay shirkii Madaxda Maamul goboleedyada.
Maanta ayay ahey markii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay u gudbiyeen Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Maamullka Galmudug Xareed Cali Xareed.
Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda maamulka Galmudug ayaa xiligan waxaa uu gaaray meeshii ugu xumeed.


