Uncategorized

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo sheegay in ay Xabsi guri ku jiraan Isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Muqdisho-KNN-Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta sheegay in Xabsi guri ay ku jiraan Isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka maamulkaasi.

Gudoomiyaha oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu u sheegay markii horeba inuu deganaa Madaxtooyadda Galmudug, haddana la diiday inuu ka baxo, amarkaasina uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf” oo ay isku Khilaafeen go’aankii  dhawaan Xaaf uu ka qaatay Xiisadda Khaliijka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug wuxuu sheegay isaga, Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug in laga wada dhigay xabsi guriga oo loo diiday wax dhaqdhaqaaq ah taasina ay halis ku tahay jiritaanka Maamulka.

Xiisadda Galmudug ayaa cirka isku sii shareereysa maalmihii la soo dhaafay inkastoo xalay ay Madaxtooyada kulan saacado badan qaatay uu ku dhaxmaray 5ta mas’uul ee ugu sareyso Maamulkaasi.