Uncategorized

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo ka hadlay cod sir ah oo laga duubay,laguna baahiyay Baraha Bulshada

Sheekh Cusmaan Barre  Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka Hirshabelle  oo oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa waxaa uu si qoto dheer ugu hadlay Cod sir ah oo laga duubay,islamarkaana lagu baahiyay Baraha Bulshada.

Sidoo kale gudoomiyaha  Waxa uu Beeniyay wada hadal ay yeesheen Cali Cabdulaahi Cosoble markii Xilka laga qaaday kadib,Balse Codadkaasi ayaa waxaa uu ku tilmaamay  mid leysu keenay oo aan Xaqiiqo aheyn.

“Waa wax laga Xumaado in laga been abuuro masuuliyiinta,Dadka Arimahaas sameynayana ay yihiin kuwa wax ma garato ah” sidaasi waxaa sheegay Afhayeenka Baarlamaanka hirshabelle.