Somali News

Duqa Buuloburde oo ka horyimid Xil ka qaadis lagu sameeyay.

Buulla Burde-KNN-Kadib wareegto  ka soo baxday Xafiiska Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka Hirshabelle, Islamarkaana xilka looga qaaday Duqa degmada Buulo ee gobalka Hiiraan Maxamed Axmed Rooble ayaa arintan si kulul ugu hadlay,isagoona ka horyimid xil ka qaadista.

Duqa buulla burde  ayaa waxaa uu soo hadal qaaday inuusan xiligan hubin in xilka laga qaaday,Waxaa uuna tilmaamay in arintaasi ay tahay mid sharci daro ah.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay  gudoomiyaha in warqadaha xilka ka qaadista lagu soo daabacay Warbaahinta Bulshada,waxaa uuna xusay in weli isaga uu yahay duqa  Saxda ah ee degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan.

Dhawaan ayay  aheyd markii sidan oo kale duq Degmada Jalalaqsi uu ka soo horjeestay xil ka qaadis lagu sameeyay.