Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow oo la hadlay KNN ayaa beeniyay in degmadaasi lagu dilay Xubno sar sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib markii Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ay sheegeen in howlgalka ay si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo Mareynkan ah ay ku dileen 12 Dagaalame iyo Labo sarkaal oo Al-shabaab ah.
Sidoo kale ciidamada waxa ay howlgalka ku dileen wiil uu dhalay Hogaamiyaha Al-shabaab.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xusay magacyada Xubnaha lagu dilay howlgalka kuwaasi oo magacyadooda ay ku sheegeen Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur(Faruur)
ragga la dilay waxaa la socday wiil uu dhalay hogaamiyaha Al-shabaab Axmed diiriye Abuu Cubeyda kaasi oo Magaciisa ay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay ku sheegeen Xasan Ahmed Diiriye Abuu cubeyda kaasi oo ciidamada ay ku dileen Howlgalka.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay soo gudbin doonaan xilalka ay hayeen ragaan ka tirsan Al-shabaab.
Gudoomiyaha oo wareysi gaar ah siiyay KNN ayaa beeniyay wuxuuna tilmaamay in howgal uusan ka dhicin deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, sidoo kalana uusan jiran dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo la dilay.
Dhankale Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow oo dibad joog ka ah degmada uu ku magacaaban yahay ayaa tilmaamay in uu Wado qorshe uu degmada Kuntuwaarey kaga saarayo dagaalamayaasha Al-shabaab oo hadda gacanta ku haaya Degmadaasi.