Somali News

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne oo shaqadii laga joojiyay xabsigana loo taxaabay

Muqdisho-KNN-Warqad ka soo baxday kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda gobolka Banaadir ayaa waxaa Shaqadii looga joojiyey guddoomiyaha degmada Xamarweyne Ee maamulka G/banaadir.

Sida lagu xusay warqada lagu xiray shaqadiina looga joojiyey guddomiyaha degmada xamarweyne Cumar shariif Maye taas oo kasoo baxday xafiiska guddomiyaha gobolka banaadir waxaa la sheegay in uu yiri xukuumadda ra’iisul-wasaare Xasan Cali  Kheyre waa tan  ugu masuq maasuqa badneyd abid taarikhda dalka Xukuumadihii soo maray iyo sidoo kale waxa uu eedeyn u jeediyey Booliska oo uu sheegay iney qaraxyada iyaga Keenaan.

Warqada Kasoo baxday xafiiska guddomiyaha gobolka banaadir ayaa waxaa dhinaca kale lagu ogeeysiiyey Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Xamarweyne,taliska booliska degmada,in xilka degmada Xamarweyne si KMG loogu dhiibay ku xigeenkiisa Amniga iyo siyaasada degmada.

Hoos ka akhriso sababta Guddomiyaha shaqa joojinta loogu sameeyay.