Muqdisho-KNN– Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa xalay ka hadlay sababaha ay maalmihi la soo dhaafay u xernaayeen wadooyin Magaalada Muqdisho.
Yariisow ayaa ugu hireyn waxa uu sheegay in Hay’adaha Amniga ee dowladda uu kala hadlay Cabasho dadweynaha kasoo gaartay Xirnaashiyaha Wadooyinka Caasimadda.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Tilmaamay in intii ay xirnaayeen Wadooyinka Muqdisho ay Ciidamada Ammaanka kahor tageen Qaraxyo la damacsanaa in Magaalada laga geysto.
Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in shacabka ay ka raaligelinayaan xirnaanshaha wadooyinka, wuxuuna tilmaamay sababta loo xiray wadooyinka in ay aheyd in ammaanka la xaqiijiyo, si looga hortago falal amini xumi oo dhaca.
hadalka gudoomiye Yariisow ayaa imaanaya kadib maalmo ay xernaayeen wadooyinka qaar ee Muqdisho shalay na dib loo furay.