Uncategorized

Gudoomiyaha G/Gedo oo sheegay in Talaadadda uu kulan dhexmari doono Wafuud kala Socda Somalia iyo kenya.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamud Maxamuud Axmed ayaa sheegay in keddib wadahadal dhexmaray Uhuru Kenyatta iyo Madaxweyne Farmaajo guddi isaga uu hoggaaminayo ay taladaada la kulmi doonaan dhanka Kenya si wax looga qabto arrimaha darbiga laga dhisayo Balad Xaawo.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Arintan Wax weyn laga qaban Doono,isagoona intaa ku daray hadalkaasi si loo dhameeyo xiisada xiligan ka taagan Xuduuda u dhexeysa  Labada Dowladood ee Kenya Soomaaliya.

Dadka reer Baladxaawo, ayaa ka cabanaya in ay Kenya ku soo xad gudubtay xuduudda ayna dhiseyso gudaha Soomaaliya