Garoowe-KNN- Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo maanta Saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay xukuumadda Soomaaliya ay balanta ka baxday, kaasi oo ku aadan dib loo dhiso Garoonka Kubada Cagta ee Caasimada Puntland.
Guddoomiyaha ayaa ka codsay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inuu fuliyo balan-qaad uu horey u sameeyay oo ahaa in Xukuumadiisu ay ka qeyb qaadanayso dhismaha garoonka kubadda cagta ee caasimada Puntland.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Siyaasiyiin iyo Xildhibaaano uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u soo diray Gobolka Nugaal,kuwaas oo uu sheegay in ay faragelin ku hayaan arrimaha Maamulka, isagoona eedeyn u jeediyay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa Waxaa uu u digay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isagoona sheegay in ay is ka horkeenayaan madaxda Maamulka Puntland.


