Somali News

Gudoomiyaha Gobalka Nugal oo xilka laga qaaday

Muqdisho-KNN-Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa  xilka looga qaday Gudoomiyaha Gobalka Nugaal  Cumar Cabdulaahi Farawayne, isagoona magacaabay gudoomiye cusub.

Xilkan  ayaa waxaa  loo magacaabay Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu badalidoonaa guddoomiyaha xilka laga qaaday  Cumar Cabdulaahi Farawayne, kaasoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ahaa guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Waa guddoomiyihii afaraad oo madaxweyne Gaas gobolka Nugaal uu u magacaabo, tan iyo markii uu xilka la wareegay sannadkii 2014.