Somali News

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose oo Sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii dilka ka geystay lafoole.

Maxamed ibraahim barre gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose oo la hadlay idaacada kulmiye ee magaalada muqdisho ayaa si faah faahsan kaga hadlay inta ay ka ogyihiin gaari nooca raaxada oo shalay lagu rasaaseeyay deegaanka lafoole ee Gobalka Sh/hoose waxaa uuna sheegay in gaarigu uu ka yimid dhanka degmada afgooye isaga oo ku wajahnaa Muqdisho.

Tirada dadkii saarnaa ayuu ku sheegay gudoomiya 6 ruux waxaana  wadada  u galay dabley hubeysan oo la sheegay in ay ku la bisnaayeen dareeska ciidanka.

Gudoomiyaha ayaa KNN usheegay in ay ku raad joogayaan kooxihii dilka ka geystay Deegaanka Lafoole ee Gobalka Shabeelaha hoose.