Uncategorized

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in la Musuqmaasuqo Canshuurta Laga Qaado Shacabka Muqdisho.

Muqdisho-KNN=xilli uu maanta warbaahinta la hadlayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng Craxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in Canshuurta Laga qaado Ganacsatada Gobolka Banaadir la musuq maasuqo.

Yariisow ayaa tilmaamay in Qasnada Dowlada hoose ee xamar aysan ku dhicin lacagta Canshuurta ah ee laga aruuriyo ganacsatada Magaalada Muqdisho balse Maamulkiisu uu ku dedaalayo in hada wixi ka danbeeya dib u habeeyn lagu sameeyo si loo hormariyo Dhaqaalaha Gobolka sidoo kale na dadka laga qaadayo Canshuurta loo Sameeyo Adeegyada ay u baahanyihiin.

Hadalka Eng Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo maalmo uu xernaa Suuqa Weyn ee Bakaaraha Sidoo kale na uu hakad soo galay Shaqada Dekada Muqdisho Khilaaf soo dhexgalay Ganacsatada iyo Wasaarada maaliyada Awgeed kaas oo wali Xal waara loo helin.