Somali News

Gudoomiyaha Rugtada ganacsatada Jubbaland oo lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho-KNN-Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cade Ee Muqdisho saacado lagu xanibay markale Shaafi Raabi Kaahin Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Rugta ganacsiga wershedaha Jubbaland , Shaafi Raabi Kaahin ayaa ka yimid dalka Turkiga oo uu uga qayb galay shir looga hadlaayey ganacsiga Africa iyo Turkiga markii uu kasoo dagay garoonka ayaa lagu xanibay garoonka,inkastoo markii dambe wadahadal kadib lasii daaye.

Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Rugta ganacsiga wershedaha Maamul-Goboleedka Jubbaland  oo la hadlay idaacada kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in xanibay arimaha la xiriir amaanka muqdisho iyo maqaamkeed oo intii uu joogay Turkiga ka hadlay warbaahinta,waxaana uu sheegay in markii dambe arintan ay soo faragaliyeen Madax ka tirsan dowlada gaar ahaa wasiirka duulista hawada

Waa markii labaad oo sidaan oo kale lagu xayiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, wali kama aysan hadlin xanibaadaan la saaray masuulkaan iyo sababta ka dambeysa.