Uncategorized

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaali-Land ee Ucid oo eedeeyay Jabuuti.

Hargeysa-KNN-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaali-Land ee Ucid Faysal Cali Waraabe oo magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta qaar ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada dalka Jabuuti aysan raali ka ahayn hormarka Soomaali-land.

Feysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu tilmaamay in mas’uuliyiin kamid ah dowlada Jabuuti ay sheegeen in hormarka Soomaali-Land ee dhanka Dekada ah iyo dhinac  walbaba ay caqabad ku tahay hormarka jabuuti.

Feysal ayaana hadalkiisa ku sheegay in arintaasi ay tahay wax laga xumaado oo ay muujineyso in Jabuuti ay dhibaato ku tahay hormar ay gaarto Soomaali-Land.

Feysal Cali waraabe ayaa inta badan waxaa uu ka hadlaa xaaladaha Siyaasadeed ee la xeriira Soomaali-Land  kuwaas oo qaarkood abuura kalaaragti duwanaansho soo dhex gasha maamulkooda  iyo dhinaca kale ee uu siyaasiga wax ka sheegay.