Uncategorized

Gudoomiyaha Yaaqshiid “waxaan soo qabanay raggii ka danbeeyay dilka Gudoomiyihii G/Galgaduud”

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud oo Shir jaraa’id ku qabtay xalay Xarunta degmada ayaa Sheegay howlgallo ay sameeyeen Ciidamada in ay suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo rag lala xiriirinayo in ay ka dambeeyeen dilka Guddoomiyihii gobolka Galgaduud iyo walaalkiis oo lagu dilay bilaawgii bishaan xaafada Carafaad ee degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ragaan ay Ku socdaan Baaritaan Waxaana la aaminsan yahay in ay ahaayeen ragii toogashada Ku dilay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobalka Galgaduud Maxamed Shiikh Cali Cilmi iyo Walaalkiis Eng Xasan Shiikh Cali Cilmi kuwaas oo la dilay 4-tii bishaan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in ay jiraan rag kale oo ka tirsan Al-shabaab ay soo qabteen kuwaas oo lagu wareejiyay Nabad sugida Soomaaliya.