Somali News

Gudoomiye Cusub oo loo magacaabay degmada Howl-wadaag.

Muqdisho-KNN- Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobalka banaadir Cabdi raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow  ayaa waxaa uu xilka ka qaaday Gudoomiyihii Hore ee Degmada Howlwadaag, iyadoona masuul kale uu magacaabay.

Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa ahaa Cabdi Kariin Cali kaar, waxana xilkaasi loo magacaabay Mahad Cabdi Caraale.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa uu Degmooyinka u magacaabayay Gudoomiyaal KMG ah, Iyadoona aysan jirin warqad lagu shaacinayo arintaasi oo ka soo baxda Xafiiska Gudoomiyaha ama masuul u akhriya warbaahinta wareegtooyinka ka soo baxa Gudoomiye Yariisow.

Dhawaan ayay aheyd markii Gudoomiyaal KMG ah loo Magacaabay Degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir.