Uncategorized

Gudoomiye Jawaari oo dhaliilay Madaxweynaha iyo xukumadda shacabka baaq u diray

Muqdisho-KNN-Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku guuldareystay dhax dhaadinta u ka dhax waday dhinacyadii ku kala qeyb samay khilaafkii ka dhashay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in maalinkii uu baajinayay Madaxweynaha kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10 cisho ah in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suura gelin ilaa iyo hadda waddo wax looga qabanaayana aysan muuqanin.

Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhaliilay Maadxweynha Soomaaliya wuxuuna sheegay in halkii uu ka sugaayay in si odaytinimo ah iyo sida sharciga uu qabo ku xalin lahaa arintaan, aniga ayuu igu yiri is casil, ma`ahan wax aan aqbali karo” sidaas waxaa yiri Gudoomiye Jawaari oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale wuxuu dhaliilay Xukumadda hadda jirta Wuxuuna sheegay in Xukuumadda ay howsheeda gabtay, isla markaana iyada loo baahan yahay in ay is casisho, waxaana uu intaa ku daray in qalalaase badan ay abuureen, kuna kaceen falal aan fiicneyn, sida inay ku talax tageen xormadii Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay mr.Jawaari.

“Waa qariib in Xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaa rabaa inaan qeexo arrin dastuuri ah anaga uma joogno inaan u shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is casili maayo, iyada ha is casisho”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay kulanka maalinta berri uu iclaamiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Cabdiweli Muudey, isagoo ka digay wixii cawaaqib xumo ee ka dhashaa uu mas’uuliyadeeda qaadayo Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Jawaari ayaa si aan gabasho la heyn u sheehay in Madaxweynaha uu dhinac la jiro, isla markaana kulanka berri la qaban qaabinayo uu isaga fasaxay sida uu hadalka u dhigay Jawaari.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa ah mid cirka sii gelinaya khilaafka ka dhex taagan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, iyadoo maalinta berri Xildhibaanada mooshinka ka keenay ay u balansan yihiin kulan ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Shacabka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u sheegay in wixii berri dhaca uusan mas`uul ka aheyn asaga.