Uncategorized

Gudoomiye Jawaari oo la kulmay Madaxweynihii Hore ee Soomalia Cabdi Qaasim Salaad.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  oo haatan ku sugan  magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomalaiya iyo Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa  waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya uu marayo iyo arrimaha siyaasadda dalka.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen hormarka xiligan ka jira dalka oo ay ku talaabsatay dowlada federaalka soomaaliya iyo dadaalada ku aadan sida loo xaqiijiyay amaanka caasimada ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Jawaari ayaa Waxaa uu booqasho ku joogaa Magaalada qaahira ee dalka Masar,iyadoona Maanta la filayo inuu Kalamo la qaato Dhigiisa Dallka Masar.