Uncategorized

Gudoomiye Jawaari oo maanta la kulamay Safiiro iyo xubna kale

Muqdisho-KNN-Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah Safiirada wadamada caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Gudoomiye Jawaari ayaa xubnahii uu la kulmay kala hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid tahay xiisada siyaasadeed ee taagan.

Jawaari ayaa kulan saacado socday la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar, waxayna ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya labada dal, iyada oo lagu soo qaaday xaaladda guud uu dalka ku jiro iyo arrimaha kale.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa sidoo kale la kulmay xubno kale oo ka socday beesha caalamka, kuwaas oo inta badan gudoomiyaha uu kala hadlay arimo kala duwan iyo xiisada ka dhax taagan Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa sidoo kale la kulmay Mas`uuliyiin ka socday hay’adda TIKA oo ah shirkad qaadatay qandaraaska lagu dhisaayo xarun KMG ah oo ay yeelanayaan Baarlamaanka Soomaaliya taas oo laga dhisaayo Villa Hargeysa, dhismaha xaruntaas ayaa socon doono muddo sanad ah.

Mas`uuliyiinta ka socday hay’adda TIKA ayaa Gudoomiyaha kala hadlay arimo la xariira dhismaha xaruntaas, waxaana socod ay ku soo mareen goobta laga dhisayo xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulamadaan ayaa imaanaya xili uu cirka uu isku sii shareerayo khilaafka ka dhax taagan Golaha Shacabka oo ka dhashay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari, iyadoo ay socodaan dadaalo xal loogu raadinayo khilaafkaasi.