Uncategorized

Gudoomiye Jawaari ” waan iska casilay xilkii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya”

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa goor-dhaw si rasmi ah u shaaciyay inuu iska casilay xilkii Gudoomiyaha Golaha shacabka, kadib muran soo taagnaa 26 maalmood.

Jawaari ayaa iscasilaadiisa u xaqiijiyay Idaacadda BBC laanta afka Soomaaliga, waxa uuna sheegay in isaga oo ka fekaraya Mustqabalka Soomaaliya iyo sii jiritaanka Dowladnimada Soomaaliya uu go’aansaday inuu iscasilo maalinta Arbacadana uu golaha shacabka la hadli doono.

Maanta Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Cabdi-wali Shiikh Ibraahim Muudeey Xildhibaanada u sheegay inuu guddoomay warqabadda Iscasilaadda Prof Jawaari.